Lix qof oo ka Tirsan kooxda Al shabaab oo ku dhintay Bam kula qarxay Bardale
22.03.2015 21:13Lix ka mid ah dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ayaa maanta waxay ku la’deen qarax miino, oo ay ku aasayeen duleedka Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.
Qaraxa oo ahaa mid si weyn looga maqlay deegaanada hoostagga Degmada Berdaale, ayaa waxa uu sababay dhimashada lixda nin ee Shabaabka ka tirsan. Saddex nin oo qaraxa aaseysay iyo saddex kale oo dul taagneyd.
Ciidanka Xooga Dalka ee aagga Degmada Berdaale, ayaa waxay gaareen goobtii ay ku hoobteen mintidiinta Ururka Al Shabaab, waxaana halkaasi laga helay qalabkii ay miinada ku aasayen.
Maxamed Isaaq Xasan (Cara-case), Gudoomiyaha Degmada Berdaale ee Maamulka Gobolka Baay, ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen lixda nin ee Ururka Al Shabaab ka tirsan oo keliya.
Gudoomiyaha waxa kaloo uu sheegay in miinada lala doonaayay in isaga lagu dilo, laakiin uu Alle Shabaabku ku celiyay falkii guracnaa, ee ay maleygayeen, sida uu yiri.
Qaraxa waxaa lagu diyaarinaayay wado uu si joogto ah uu u adeegsado Gudoomiyaha Degmada Berdaale. Kolonyo uu Gudoomiyuhu la socday oo ka tagey Baydhabo, kuna wajahnaa Berdaale, ayaa qaraxaasi ka badbaaday, waayo waxa uu qarxay ka hor intii aynaan wadadaasi gaarin
warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah
kala soco runtanews.net.
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka