Labaatan booliis ah ayaa loo malaynayaa in ay ku dhinteen dalka Kenya
26.05.2015 13:20
Labaatan booliis ah ayaa loo malaynayaa in ay ku dhinteen dalka Kenya kaddib markii kolanyadii ay saarnaayeen ay weerartay koox looga shakisanyahay Al-shabab.
Weerarku waxa uu ka dhacay gobolka Waqooyi bari ee Kenya gaar ahaan deegaanka Yuunbis oo xadka Soomaaliya u dhaw ka tirsan Gaarisa.
Waa weerarkii saddexaad ee todobaad gudihii ka dhacay gobolka.
Al-shabaab ayaa weeraro ka gaysta gobolka, waxaana ka mid ahaa weerarkii bishii hore lagu xasuuqay 148 qof oo u badnaa arday jaamacad ka dhiganaysay Gaarisa.
Waxaa jira walaac laga qabo dawladda oo ka gaabisay jawaabtii looga baahnaa in ay ka bixiso weerarada al-shabaab.
xigasho bbc.
———
Tillbaka