LABA QOFOOD OO XALAYLAGU DILAY MAQAAXI KU TAAL MAGALADA GÖTEBORG EE SWEDAN (SAWIRRO)
19.03.2015 17:34Laba qof oo toogasho lagu dilay magaalada Göteborg
Labo qof ayaa xalay toogasho lagu dilay makhaayad ku taalla xaafadda Hinsingen ee magaalada Göteborg. Tiro u dhaxaysa 10 ilaa 15 qof oo kalena way ku dhaawacmeen goobta.
Ulla Brehm oo ah afhayeenka booliska ee gobalada galbeed, oo dhacdadan ka hadlaysaa waxa ay yidhi:
– Waa faldenbiyeed arxaan la’aan ah. Wax badan ayaa muujinaya in ay falkaan ka danbeeyaan kooxo gangistaro ahi.
Wax yar markay saacaddu dhaaftay tobankii habeenimo ee xalay ayay booliska soo gaadheen wararka ku saabsan xabadeynta ka dhacday maqaaxi ku taala xaafadda Hisingen magaalada Göteborg. Kooxo dablay ah oo ku hubaynaa qoryaha daraadoorinka u dhaca ayaa raasaas ooda kaga qaaday maqaaxida, ka dibna goobta waxay kaga baxsadeen gaadhi ay wateen.
-– Waxaa telefoon naga soo gaaray magaaxida dhaxdeeda. Ruux ayaa maqaaxida inta soo galay rasaas ooda kaga qaaday. Goobta waxaan ugu tagnay dad badan oo dhaawac ah, ayay tidhi Ulla Brehm
Markii warku soo gaadhay gurmadka degdega ah waxaa la go’aansaday in ambulansyo dhawr ah loo diro goobta, iyadoo hosbitaalada loola cararay dhawr iyo toban qof oo dhawwacyo kalo gedisan qaba. Isla goobtana waxaa ku nafwayey ugu yaraan labo ruux. Laakiin waxaa jirta cabsi ah in tirada geerida ay korodho. Booliiska ayaa ilaa hadda baadhitaan ku wada dhacdadan.
———
Tillbaka