Kulankii aan caadiga aheyn ee dhexmaray Madaxweyne Xassan iyo Boqor Salmanka Sacuudiga "sawiro"

28.10.2015 09:11

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Sacuudiga ayaa waxa uu maanta si rasmi ah ula kulmay Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Abdiaziz Aala Sacuud.

Madaxweynaha ayaa waxa uu Boqorka kala hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin iskaashiga labada dal, Siyaasada, Horumarka Somalia iyo in Dowlada Somalia iyo Sacuudiga ay sii laba jibaaran xiriirka kawada dhexeeya.

Dhanka Dowlada Sacuudiga waxaa kulankaasi uga qeybgalay qaar kamid ah Golayaashooda, halka dhanka Madaxweyne Xassan ay kulankaasi ku wehlinaayen tiro wasiiro ah.

Dowladda Sacudi arabia ayaa ballan qaadday inay Soomaaliya ka caawineyso arrimaha dib u dhiska, shaqaaleyn dad Soomaaliyeed oo dalka ka howlgeli doona iyo taageero dhinacyo badan.

Wasiirrada la socday madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggooda wadanka iyagoo arrimo badan isla meel dhigay.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Boqorku u sheegay inay Somaliya ay garab taaganyihiin islamarkaana wufuud ka socota Sacuudiga ay tegi doonaan Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in dowladda hadda jirta ee Soomaaliya ay calaaqaadka caalamka la leeyahay uu meel sare gaarsiisay.













 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET