KOOXDA SHABAAB "UGUS" OO U HANJABAY SAXAAFADA .......
05.05.2015 10:10Iyadoo maalintii Axada Taliyaha Nabad Suggida Soomaaliya uu ku amray Warbaahinta Madaxa banaan ee dalka ka howlgasha in Al Shabaab loogu yeero magaca UGUS oo laga soo gaabiyay (Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed) ayaa Shabaab waxa ay sheegeen inaan magacaasi loogu yeeri karin.
Sarkaal u hadlay Al Shabaab oo la hadlay Tv-ga Al-jazeera, ayaa sheegay in magaca UGUS aan loogu yeeri karin Shabaab, isaga oo fariintaasi u diray bahda Saxaafadda madaxa banaan.
Sarkaalkaan oo magaciisa aan la shaacin, balse la hadlay Al-Jazeera wuxuu sheegay in Shabaab magacooda saxda ah uu yahay Xarakada Al Shabaab, wariyihii ugu yeera UGUS macnaheeda ay tahay in Wariyahaasi uu lasoo saftay cadoowga waxa ay u yaqaaniin Shabaabka.
“Hadalkan kasoo baxay dowlada ee lagu amrayo Wariyaasha in Magaca Al-Shabab u badalaan UGUS waa mid muujinaya tabar darada dowlada ,shisheeyuhu uu taageero. Qofkii noogu yeera magacaasi waxaan ugu jawaabi doonaa sida ugu macquulsan.” Ayuu yiri Afhayeen u hadlay Shabaabka.
Magaca UGUS Shabaab qudhooda waxa ay ku soo celiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyaga oo macno kale u sameeyay, waxaana ay ku macneeyeen Shabaabka (Ururka Gummaynta Ummada Somaliyeed).
Hardanka ka dhaxeeya Dowladda iyo Shabaabka dhexdooda ayaa dhibaatada ugu badani waxa ay kasoo gaari doontaa Bahda Saxaafada reer Muqdisho oo aysan jirin cid ilaalisa, hadii ay ku dhiiradaan ku dhawaaqista magaca UGUS.
Khamiistii lasoo dhaafay ayeey aheyd markii rag hubaysan Baydhabo ay ku dileen, Wariye Daa’uud oo isaga iyo Xaaskiisa ay aqalka ugu galeen habeenimo kadibna ay toogteen.
warar sugan kala soco
www.runtanews.net
———
Tillbaka