Kooxda Alshabaab Oo Nolosha Ku Aastay Ciidamo Katirsan Maamulka Puntland
10.03.2015 07:44Sida ay sheegen dadka deegaanka Kooxda Alshabaab ee ku sugan Buuraaleyda Galgala ay Ceelbiyood ku rideen ilaa iyo Seddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Puntland.
Seddexdaasi Askari ayaa gacanta u galay Kooxda Alshabaab dagaalkii ugu dambeeyay oo ay la galeen Ciidamada Maamulka, waxaana la soo Sheegayaa in Ceelbiyoodka lagu riday Afar maalin ka hor, sida laga soo xigtay Sargaal ka tirsanaa Maamulka.
Ciidamadaani la silciyay, ayaa kamid ahaa kuwa ka howlgali jiray furunta galgala.
Sidoo kale, gacanta alshabaab ayaa waxaa weli ku jira Ciidamo kale oo siyaabo kala duwan ay gacanta ugu dhigeen, waxaana la soo sheegayaa inay ku raadinayaan madax furasho, inkastoo Maamulka Puntland uu taasi ka dhaga adeegayo.
Maamulka Puntland ayaan weli ka hadal go'aanka ay Kooxdu ku silcisay Askar ka tirsaneyd ciidamadeeda, mana jirto wax war ah oo weli ka soo baxay laamaha amaanka.
Dhawaan ayay aheyd markii Alshabaab ay meel aan sidaa uga fogeyn furunta Ciidamada Puntland ay uga sugan yihiin Galgala soo dhigeen Ciidamo ay soo dileen, waxaana xigay Askartaani ay nolosha ku aasen.
———
Tillbaka