Kooxda Al Shabaab ayaa oyaal Dhaqameedyo gaaraya ilaa 15 ku xir xirtay Gobolka Galgaduud.
10.03.2015 14:09Kooxda Al Shabaab, ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay hawlgal ka dhan ah Odayaal Dhaqameedyo, ay ka wadeen Gobolka Galgaduud, iyadoo 15 nin oo Odayaasha Dhaqanka ka tirsan ku xir xirtay deegaanka Galhareeri.
Shabaabka, ayaa Odayaasha Dhaqanka ka qab qabtay deegaanada Xiindheere, Ceelqooxle iyo deegaano kale oo ku dhow dhow, waxayna Odayaashu ku eedeynayaan inay soo abaabuleen dadka ku dhaqan Xiindheer, oo dagaal la galay Shabaabka.
Shabaabka, ayaa toddobaad ka hor iska caabin xoogan kala kulmay dadka reer Xiindheere, markii ay diideen bixinta lacago iyo xoolo, ay Shabaabku ku sheegeen zakaawaat.
Korneyl Cabdi Cabdulle oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xooga ee Degmada Ceelbuur ku sugan, ayaa sheegay in Shabaabku ay Odayaasha Dhaqanka ku eedeeyeen inay ka soo horjeedaan Shareecada Islaamka.
Korneyl Cabdi Cabdulle, ayaa mintidiinta ku eedeeyay inay caburinayaan bulshada Somaliyeed, isla-markaana ay Ciidanka Xooga isku diyaarinayaan, sidii ay ku soo badbaadin lahaayeen nolosha Odayaasha u xiran.
Shabaabka, ayaa horey duleedyada Degmada Ceelbuur ugu dilay Odayaal Dhaqameedyo, iyadoo ay qaarkood gowraceen, xilli ay ku dhaliileen inay ka horyimaadeen dagaalka ay dalka ka wadaan.
Warar Sugan Xigasho iyo Xaqiiq ah
runtanews.net
———
Tillbaka