KOONFUR AFRIKA OO UU KA SOCDO DHACII UGU XUMAA OO LOO GEEYSANAYO DADKA AJAANIIBTAA SOOMALIDUNA KA MID TAHAY

15.04.2015 21:50
Ajaaniibta oo iskood isku hubeeyay weeraro kaddib

Malawi ayaa sheegaysa in dib ay uga celinayso muwaadiniinteeda dalka Koonfur Afrika, aarintaa oo daba socota isa soo tarka qalalaasaha jinsi naceybka.

Ugu yaraan shan qof oo ajaaniib ah, oo uu ku jiro 14-jir ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay magaalada xeebta ku taala ee Durban.

Dukaamo ay leeyihiin ajaaniib oo Soomaali ay ka mid tahay oo ku yaala magaalada Johannesburg ayaa la xiray iyadoo cabsi laga qabo in dhibaatooyinka ay sii faafaan.

Dalka Zimbabwe ayaa sidoo kale cambaareeyay weeraradaasi.

Dadka ajanabiga ah ayaa lagu eedeeyay in ay la wareegayaan shaqooyinka dadka muwaadiniinta ah.

Tobanaan kun oo ajaaniib ah, oo u badan Afrikaan iyo Eeshiyaan, ayaa isaga baxay dalka South Afrika tan iyo markii uu dhamaaday xukunkii cadaanka laga tirada badan yahay.

Ku dhawaad 62-qof ayaa lagu dilay weeraro jinsi nacayb ah, oo ka dhacay Koonfur Afrika ilaa iyo laga soo bilaabo sanadkii 2008-dii.

Dalka Malawi ayaa ah dalka keliya oo ilaa iyo hadda go’aansaday in uu muwaadiniintiisa kala baxo dalkaasi.

warar sugan kala soco

runtanews.net

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET