KENYA OO SHEEGTAY INEEY BILAABEYSO DHISMO DHERBI AH XEDKA SOMALIYA AY LA WADAAGTO

23.03.2015 12:10

1

Xog’hayaha arrimaha gudaha dalka Kenya Joseph Nkaissery ayaa ka sheegay magaalada Nairobi inay todobaadkaan bilaabayaan dhismaha darbi dheer oo ay ka dhisayaan xadka ay la wadaagaan Soomaali si ay uga hortagaan weerarada dhanka Xarakadda Al-Shabab uga yimaada.

Joseph Nkaissery waxaa uu sheegay inay dhamaystireen qorshaha ay ku dhisayaan darbiga ay ka dhisayaan xadka Soomaaliya sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray inay dhismaha gidaarkaan bilaabayaan todobaadkaan aan ku jirno.

Wasiirkaan ka tirsan xukuumadda Kenya waxaa uu si gaar ah u sheegay inay darbigaan ka dhisayaan inta u dhaxaysa Mandheera, Wajeer illaa xadka dhanka Beled Xaawo xiga.

“Arrintaan waxay na gaarsiinaysaa amaanka Kenya oo soo wanaagsanaada iyo in laga nabad galo weerarada Al-Shabab dhismaha darbigaana isbuucaan ayaanu bilaabaynaa” sidaas waxaa yiri Joseph Nkaissery oo ah wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya.

Xildhibaanka Mandheera laga doorto Bilow Keerow oo asna la hadlay wargayska The Standard inuu soo dhaweynayo in darbi laga dhiso xadka labada dal u dhaxeeya waxaana u xusay in tani ay yareyn karto weerarada Al-Shabab.

Xarakadda Al-Shabab 5,tii sano ee lasoo dhaafay weeraro khasaaro badan dhaliyay ayay ku qaadeen magaalooyin ku yaala gudaha dalka Kenya.

Dhanka kalena Soomaali badan oo dano kala duwan leh ayaa maalin walba ka gudba xedka  Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya darbigaana saameyn aan wanaagsaneyn ayuu ku yeelan doonaan isusocodka dadka labada dal qaasatan soomalida ka ganacsata kenya.

warar sugan xxigasho iyo xaqiiq ah kala soco runtanews.net

waxaad nagala soo xiriir kartaan

ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET