JOHN KERRY OO SOO GEBA GEBEEYAY SOCDAALKIISII TAARIIQA AHAY EE MUQDISHO.

05.05.2015 21:46

U

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa wuxuu soo gaba gabeeyay booqasho hal maalin ahayd, oo maanta uu ku tagey Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somaliya.

Xoghayaha, ayaa Garoonka Aadan Cadde waxa uu kulan kula qaatay Madaxda Dowladda Somaliya, Maamul Goboleedyada, Nicholas Kay iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom.

Xoghayuhu wuxuu Madaxda Somalidu uu kala hadlay arrimaha ammaanka, la dagaalanka argagaxisada, taageerada Mareykanka uu siiyo Somaliya iyo hiigsiga sanadka 2016-ka, oo ku qotama doorasho dadweyne oo Somaliya ka qabsoomta.

Wefdiga John Kerry, ayaa galabta ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde, iyagoona u jiheystay dhinaca Magaalada Djibouti, halkaasoo uu ku jooggi doono booqasho aan la shaacin mudada ay qaadan doonto

Booqashada Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa ahayd mid aan horey loo sii shaacin, waxayna booqashadiisu ku ekeyd Magaalooyinka Nairobi iyo Djibouti.

Booqashada John Jerry ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu sheegay mid taariikhi ah, waana markii ugu horeysay muddo 24 sano ah, oo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu booqasho ku yimaado Caasimadda Somaliya.

warar xaqiiq ah 

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET