JOHN KERRY IYO SOCDAALKIISA MUQDISHO
05.05.2015 21:52
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry, ayaa sheegay in xaaladda Somalia ay ka soo rayneyso.
Hadalkan ayuu ka sheegay booqasho sadax saac uu Muqdisho ku tagay maanta, wuxuuna yiri 20 sano kadib markii ciidamada Mareykanku ka baxeen dalkan oo howlgalkoodu bani'aadamnimo ku dhamaaday dhiig ayuu Mareykanku doonayaan inuu tusiyo Soomaaliya taageeradiisa dagaalka ay kula jirto xagjiriinta Islaamiyiinta.
Booqashadan oo aheyd tii ugu horeysay ee xoghaye arrimo dibadeed oo Mareykan ah ku tago Muqdisho, ayuu Kerry la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxaha bulshada rayidka.
Mareykanka ayaa ku shubay boqolaal milyan oo doolar Soomaaliya sanadihii dhawaa, wuxuuna ka taageeray dowladda dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.
warar sugan kala soco
www.runtanews.net
———
Tillbaka