DOWLADA OO MAGAC CUSUB U BIXISAY KOOXDA ALL-SHABAAB "UGUS"

03.05.2015 23:24

 Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur Yare ayaa ugu baaqay Warbaahinta madaxa banaan inay qaataan magaca UGUS, kaasoo dhowaan uu sheegay inay dhaqan gelisay Warbaahinta dowladda, kadib markii ay awaamiir ka soo saareen in la bedelay Magaca Al-Shabaab.

Jen. Tuur Yare ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabadda maalinta Xoriyadda warbaahinta Caalamka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

“Waxaa rabaa inaan halkan maanta uga codsado Warbaahinta, anaga magaca Al-Shabaab waa la bedelay, waxaa ku bedelnay magaca UGUS, ayagana isku bixiyay runtii, magaca Al-Shabaab waa magac fiican waa dhalinyaro, ma ahan inaan u ogolaano magacaas inay xumeeyaan”ayuu yiri Jen. Tuur Yare.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aanay habooneyn inay ka maqlaan magaca Shabaab idaacadaha kale, isagoo uga mahad celiyay Warbaahinta dowladdu maamusho sida ay magacaas u hirgeliyeen sida uu yiri.

“Cadawga aan la dagaalameyno waa UGUS, waxaa laga soo gaabiyay ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed, warbaahinta dowladda maamusho waa dhaqan gelisay, kuwa kale ee aan ku soo biirin inay ku soo biiraan oo ay UGUS ugu yeeraan waayo, ma ahan inaan idaacadaha kale ka maqalno magaca Al-Shabaab”ayuu yiri Jen. Tuur Yare.

Waxaa uu sheegay inay doonayaan in umadda la fahamsiiyo, maadaama uu xusay in Al-Shabaab ay dadka gumaado, sidaas darteed magacaas uu ugu baxay sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ma sheegin in tallaabo ay ka qaadayaan Idaacadii ugu yeeri weyso magacaas, hase ahaatee hadalkiisa ayaa u muuqday mid aan awaamiir aheyn, marka la eego sida uu u hadlayay oo inta badan ahaa codsi.

Si kastaba ha ahaatee Warbaahinta dowladda ayaa dhowaan hirgelisay magaca Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida ku dhawaaqday in loogu yeero Al-Shabaab, waxaana isla magacaas uu shalay ku soo baxay war murtiyeedkii laga soo saaray shirkii Garowe.

warar xaqiiq ah

kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET