Jawaari oo booqasho ku tagey Magaalada Kampala (Daawo Sawirada)

08.03.2015 00:13

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo uu wehliyo Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad iyo xubno kale, ayaa gaaray Magaalada Kampala ee Xarunta Uganda. Kampala waxaa aqoon kororsi u joogga Guddiyo Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

Wefdiga Gudoomiyaha, ayaa waxaa Garoonka Entebbe ee Magaalada Kampala ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo horey Uganda u joogay, Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), Qunsulka Somaliya ee Uganda iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedada ay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenkiisa u taggeen Kampala, ayaa ah inay kormeer ku sameeyaan sida ay u socdaan aqoon kororsiga Guddiyada Joogtada ah kaga soconaya Magaaladaasi.

Hay’adda AWEPPA, ayaa fududeyneysa aqoonsiga Guddiga Joogtada Baarlamaanka u jooggaan Magaalada Kampala. Waxaana xilligaan uu tababar u socdaa Guddiyada Xeer Hoosaadka, Anshaxa iyo Xaasaanadda ee Baarlamaanka.

Tababarka xiggaa waxa uu u billaaban doonnaa 9ka bishaan. Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo iyagu la isku yiraahdo Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah, ayaa waxaa jiri doono tababaro kale oo ay ku qaadanayaan Magaalada Kampala.

Tababarada Magaalada Kampala ku qaadanayaan Guddiyada Joogtada, ayaa waxaa lagu sheegay kuwo fududeen doono hawlaha Baarlamaanka Somaliya, ee Fadhiyada 5-aad iyo 6-aadba.

       Jawaari7 
 
 
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET