Jarmalka oo dadka Afghanistaanka u sheegay inay dalkooda aaminaan
29.10.2015 12:26Jarmalka ayaa qaabilay qaxootiga ugu badan ee Yurub yimid.
Rasmi ahaan Jarmalku qaxootiga way soo dhaweeyaan, waanay damaanad qaadeen inay siiyaan sharco dadka Suuriya ka imanaya.
Laakiin maanta Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jarmalka wuxuu cadeeyay inaan dadka Afghanistan ka imanaya albaabku u sii furnaan doonin.
Wasiirka Thomas de Maiziere, ayaa sheegay in dadka imanaya Afghanistan ay tiradoodu xoog kor ugu kacday, taasina ay tahay mida aan la aqbali karin.
Waxa uu yiri mucaawino iyo ciidamaba Jarmalka ayaanu u dirnay. Waxaa kale uu yiri dadka wax haysta iyo dhalinyaradu ha joogaan dalkooda oo ha aamiinan hana dhistaan.
Hadalkan dawlada ayaa imanaya, iyadoo dawlada Jarmalku ay la halgamayso qaabilaada boqolaal kun oo qaxooti ah ee dalkeeda soo gaaray sannadakan.
Waxaa lagu qiyaasay inay 8 boqol oo kun oo qof ay magan gelyo waydiisteen dalkaasi.
Xigasho bbcsomali.
warar sugan kala soco runtanews.net
———
Tillbaka