Jaamacada Göteborg oo bixinaysa koorso lagu baranayo Af-Soomaaliga

13.04.2015 10:43

jaamacada-gothenburgJaamacada Göteborg oo sanadkii 2010 noqotay jaamacadii ugu horeysay ee Sweden ka bixisa barashada luuqada Af-Soomaaliga ayaa dib u bilowday bixinta koorsadaas, iyadoo sanadkaan xili waxbarasheedka ku dartay ineey jaamacada bixinayso koorso lagu baranayo luuqada iyo dhaqanka Soomaalida. Jaamacada ayaa bixinaysa labo koorso oo mida koowaad loogu tala galay macalimiinta ajaanibta u dhigta Swedishka iyo koorso loogu tagalay macalimiinta Af-Soomaaliga u dhigaysa caruurta.

Qofka doonaya in uu noqdo macalin Af-Soomaali ee loo yaqaan (Modersmålslärare) ayaa jaamacada Göteborg ay siinaysaa koorsooyin uu ku helayo 30 dhibcood. Kamuunada Sweden ayaa cabasho weyn ka muujiyay in la’yihiin macalimiin Af-Soomaaliga u dhiga caruurta dhigata iskuulada, iyadoo koorsadaan ay bixinayso jaamacada Göteborg ay tahay mid aad u muhiim ah. Hadaba haddii aad doonayso in aad noqoto macalin luuqada Af-Soomaliga isla markaana aad haysato waxbarashada dugsiga ayay muhiim tahay in aad qaadato waxbarashada jaamacada Göteborg.

Halkaan ayaad ka helaysaa macluumaad dheeri ah: Jaamacada Göteborg.

warar sugan kala soco 

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET