Maamulka Israel, ayaa ku biiray duqeymaha uu hogaaminaayo Sacuudiga, ee ka dhanka ah maleeshiyada Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta, ka dib markii ay qal-qal geliyeen jiritaanka Dowladda Yemen, oo Qaramada Midoobe ay aqoonsan tahay.
Warbaahinta Israel, ayaa waxay baahisay in Dowladda Israel ay qaadatay go’aanka ah inay ka qayb qaadato, duqeymaha dhinaca cirka ee lagu doonaayo in looga hortaggo inay dalkaasi isku ballaariyan Xuuthiyiinta.
Diyaaradaha Militariga Israel, ayaan si rasmi ah loo xaqiijin inay bilaabeen duqeymaha ka dhanka ah Xuuthiyiinta iyo in kale.
Sacuudiga, ayaa horey Dowladaha Gobolka ugu yeeray in lagala qayb qaato dadaalada xusulada loogu joojinayo inay sii shaqeyso Dowladda Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi.
Madaxweynaha Yemen, ayaa bishii hore ka cararay Magaalada Sanca, markii Xoogaga Xuuthiyiinta ay xabsi guri geliyen, waxayna kaga daba taggeen Magaalada Cadan, oo uu u cararay.
Masar, Pakistan, Qatar iyo Emirate-ka Carabta, ayaa ka mid ah dalalka Sacuudiga kula wehlinaya duqeymaha lagu xakameynayo Xuuthiyiinta.