Howl gallo ballaaran oo ka socda magaalooyin ku yaal Faransiiska iyo 23 ruux oo la xiray.

16.11.2015 19:16

Howl gallo aad u ballaaran ayaa ka soconaya magaalooyinka Faransiiska, iyadoo kumanaan ciidamo oo isugu jira Boolis, ciidamada gaarka u tababaran iyo Milateri ay ka qeyb qaadanayaan howl galada oo dad badan lagu qabtay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Bernard Cazeneuve ayaa sheegay in 23 qof la xiray, halka daraasiin hubna la qabtay, waxaana hubka la qabtay ku jira qoryaha Kalashnikov ama AK47.

In ka badan boqol qof ayaa lagu soo rogay xabsi guri, waxaana ciidamada ammaanka Faransiiska ay u muuqdaan kuwo xaqiijinaya ammaanka, iyadoo wali dalka ku jiro xaalad deg deg ah

Meelaha dadka laga qab qabtay ayaa waxaa ka mid ah xaafad ku dhow magaalada Paris, magaalooyinka Grenoble, Toulouse iyo Lyon.

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Manule Valls ayaa sheegay in in ka badan 150 howl gallo ay dhaceen, laguna baaray illaa boqol guri, waxaana howl galada la xiriiraan weerarkii Paris ee dadka faraha badan ku dhinteen jimcihii.

Manule Valls ayaa ka digay weeraro abaabulan oo argagixiso ah in lagu qaado Faransiiska iyo dalalka Yurub, waxaana uu xusay inay wadaan qaabab ay kula tacaalayaan sidii weeraradaas looga hortagi lahaa inta lagu guda jiro xaalada deg deg ah ee dalka uu ku jiro.

Sidoo kale Ciidamada booliska ee la dagaalanka Argagixisada Belgium ayaa howl galo ka wada magaalada Molenbeek, halkaasoo la sheegay inay aheyd goobtii laga soo abaabulay weerarkii Paris, isla markaana kooxdii weerarka geysatay ka yimaadeen,

Belgian special forces police climb high on an apartment block during a raid, in search of suspected muslim fundamentalists linked to the deadly attacks in Paris, in the Brussels suburb of Molenbeek, November 16. 2015.    REUTERS/Yves Herman

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada ay qabteen Salah Abdesalam oo ahaa ninkii kireeyay labadii gaari ee loo adeegsaday weeraradii Paris.

Hey’addaha ammaanka ayaa sheegaya in ninka loo maleynayo in weerarkaas uu soo abaabulay lagu magacaabo Abdelhamid Abaoud oo 27 jir ah, kaasoo ku noolaa magaalada Molenbeek oo deris la ah Brussels, ninkan ayaa ku sugan dalka Suuriya, waxaana uu asal ahaan ka soo jeedaa dalka Morocco.

Warbaahinta Faransiiska ayaa soo bandhigay magacyada shan ka mid ah todobadii ruux ee ee ka dambeysay weerarkii is qarxinta, iyadoo qofka 8aad aad looga raadinayo dalka Belgium oo uu u baxsaday.

howlgalo (2)

Baaritaanada weerarka ayaa wali socda, iyadoo la filayo inay soo baxaan natiijooyin hor leh oo la xiriira weerarka iyo sida loo qorsheeyay, waxaana ilaa iyo hada la aqoonsaday shan ka mid ah kooxdii weerarka geysatay waxaana ay kala yihiin sidan:-

Salah Abdeslam oo 26 ayaa la rumeysan yahay inuu wax ka abaabulay weerarka, waxaana uu yahay baxsad, ciidamada booliska ayaa u jaray ruqsad ah in la soo xiro, iyadoo ay socdaan howl gallo ballaaran oo lagu baadigoobayo.

Ibrahim Abdesalam oo 31 jir ah ayaa walaal ay yihiin ninka la baadigoobay, waxaana uu isku qarxiyay tiyaatarkii Bataclan ee magaalada Paris.

Omar Ismail Mostefai oo 29-jir ah oo deganaa agagaarka magaalada Paris ayaa ahaa qofkii u horeeyay ee la aqoonsaday, markii farihiisa laga helay mid ka mid ah qoryihii, waxaana laga qaaday DNA

Bilal Hadfi oo 20-jir ah ayaa la rumeysan yahay inuu ka soo dagaalamay Suuriya, waxaa uu u dhashay Belgium, waxaana uu isku qarxiyay banaanka garoonka Kubadda Cagta ee Stade de France.

Ahmad al-Mohammad oo 25, ayaa ka yimid Idlib dalka Suuriya, waxaa baasaboorkiisa laga helay garoonka Stade de France, waxaa todobaadyo ka hor uu qaxooti ahaan ku soo galay Jasiirada Leros ee dalka Greec, isagoo soo maray Serbia ilaa Paris uu ka yimid, isla markaana ka qeyb qaatay weerarkii habeenkii jimcihii

Samy Amimour oo 28 jir ah ayaa ah qofka labaad ee Faransiiska u dhashay ee ilaa iyo hada la aqoonsaday inuu weerarka ka dambeeyay, waxaana la sheegay inuu mar u safray Suuriya.

Labada kale ee weerarka ka dambeeyay ayaa wali baaritaankooda iyo heybtooda la hayaa, waxaana muuqata in howl galada Faransiiska wado inay wali halkooda ka sii socdaan.

 

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET