HORJOOGAYAAL KA TIRSAN KOOXDA SHABAAB OO WADAHADAL LA FURAY DOWLADA SOMALIYA
23.03.2015 12:56Runtanews, ayaa ogaatay in saraakiil Horjoogayaal sar sare oo Alshabaab katirsan, ay wadahadalo heer gabo gabo ah maraya kula jiraan Doowlada Soomaaliya.
Saraakiil dhinaca amaanka katirsan, ayaa Xogtaan laga soo xigtay ayaa xaqiijiyay in wadahadalado meel wanaagsan maraya uu u dhaxeeyo horjoogayaal Alshabaab katirsan iyo Doowlada Soomaaliya.
Wadahadalada labada dhinac, ayaa waxaa garwadeen ka ah horjooge ka barbar dagaalama ciidamada Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, kaasoo waayadaanba gooni u goosad ka ahaa hogaanka sare ee Alshabaab.
Horjoogayaasha Alshabaab katirsan ee wadahadalada la leh Doowlada Soomaaliya, ayaa lagu soo waramayaa, ineey yihiin rag miisaan culus ku dhex leh kooxda Alshabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa horay u sheegay inuu jiro wadahadal meel wanaagsan maraya oo u socda Saraakiil Alshabaab katirsan iyo Doowlada Soomaaliya.
warar sugan kala soco runtanews.net
waxaad nagala soo xariiri kartaan
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka