HORJOOGAHA KOOXDA SHABAAB AHMED DIIRIYE “ABU CUBEYDA”OO KA BADBAADAY DIL.
11.03.2015 08:23Horjoogaha Al-Shabaab Ahmed Diiriye “Abu Cubeyda”, ayaa ka ka bedbaaday dil qorsheysnaa oo la damacsanaa in lagu khaarijiyo.
Dilka fashilmay, ayaa waxaa la sheegay inuu fulin rabay wiil uu adeer u yahay Abu Cubeyda, balse si hoose ula shaqeynayey garab ka mid ah garabyada tirada badan ee ka gadooday Hogaamiyaha Kooxda.
Sarkaal magaciisa ku sheegay Anas Abuu Asma kana tirsan Kooxda Al-Shabaab, ayaa barta Twetter-ka kusoo daabacay qoraal uu ku yiri “Geerida Godane waa mid nasaameysay waxa uu ku baxay gacanta reer galbeedka, balse waxaa ii muuqata in Axmed Diiriye uu sababsan doono gacanta kooxda Al-Shabaab”.
Waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku yiri “Geeridu waa xaq, Axmed Diiriye waxa uu dhameysan doonaa noloshiisa inta uu alle u qadaray, noloshiisu waxa ay kurbo ku heysaa Saraakiil badan oo caqabad ku ah Jihaadka, waana aragnaa in qorsheynta dilkiisa uu gaaray heer carruurtiisa loo adeegsado”.
Qorshaha lagu doonaayay in lagu Kharijiyo Hogaamiyaha ayaa waxaa fashiliyay mid kamid ahaa Amniyaadka gaarka ah ee Axmed Diiriye oo isagu markii hore ka shakiyay wiilka uu adeerka u ahaa Axmed Diiriye ee loo soo adeegsaday dilkiisa, iyadoona Su’aalo kadib uu qirtay in ujeedkiisu ahaa kharijinta Hogaamiyaha Kooxda.
warar sugan xigasho iyo xaqiiq ku saleeysan
kala xiriir runtanewsy.net
———
Tillbaka