US. Guulaha Daacish dhabarjab ayey nagu yihiin

22.05.2015 10:07
Xooggaga Daacish ayaa guulo ka gaaray dagaalka Ciraaq iyo Suuriya

Dowladda Mareykanka ayaa qirtay in guulaha ay xooggaga Daacish ka gaareen magaalooyinka Palmyra iyo Ramadi, ay dhabar jab ku yihiin dadaalka xulafada.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa carabka ku adkeeyay in Mareykanka aanu ku guuldareysaneynin dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in Daacish ay dad qoorta uga jartay magaalada Palmyra, ayaa waxaa hadda sii xoogeysaneysa khatarta ururkaasi.

Qabshada Daacish ee magaalada Palmyra ayaa kusoo beegmeysa maalmo un kaddib markii ay gacanta u gashay magaalada muhiimka ah ee ku taalla Ciraaq ee Ramadi.

Guulaha cusub ee ay Daacish gaartay ayaa su’aal gelinaya, waxtarka duqeymaha xulafada Mareykanka iyo ciidammada u badan maleeshiyaadka ee dhulka kula dagaallamaya ururka Daacish.

Arrintan ayaa sii kordhin doonta cadaadis gudaha Mareykanka ka haysta maamulka Obama.

Balse iyada oo uu Mareykanka horay u shaaciyay in aanu ciidan lugta ah u diri doonin goobaha ay Daacish haysato, ayaa waxaa muuqata in aanay isbedeli doonin istaraatijiyada uu hadda wado Mareykanka.

Xigasho BBC.

warar xaqiiq ah kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET