Gudoomiyaha Mandheera oo hasinka uga fakaday Alshabaab
14.03.2015 21:19Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mid ah ay yihiin ciidamada booliiska kan kalena sarkaal ka tirsan golaha degmada Mandera ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo maleeshiyada Al-Shabab ay ku qaadeen kolonyo baabuur ah oo galbinaysay Guddoomiyaha Gobolka Mandera Cali Rooba.
Guddoomiyaha waxaa la sheegay in weerarka uu ka badbaaday, waxaase ku dhaawacmay lix qof oo kale, waxaana weerarka ku gubtay baabuur ka mid ahaa kolonyo ka koobnayd afar baabuur oo ku soo jeedday degmada Ceelwaaq Kenya.
Ururuka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan oo dhacay saacadihii hore ee manta.
Xigasho: BBC
warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah
runtanews kala soco
———
Tillbaka