Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka furay shirka wada tashiga doorashada 2016

16.11.2015 19:20

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta ka furay magaalada Muqdisho shirka wada tashiga qaran ee looga tashanayo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2016.

Shirkan oo saaka ka furmay Hotelka City Palace ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, mas’uuliyiin ka kala socday Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, Ururada Haweenka iyo culumaa’udiinka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo shirka ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadka aragtiyadooda ka dhiibtaan go’aanada la gaarayo mustaqbalka soo socda, waxaana uu xusay in talada shacabka ay tahay mid muhiim ah.

Mr Yuusuf ayaa ugu baaqay bulshada inay si qoto dheer uga doodaan aragtiyada la soo bandhigayo ee ah nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadka 2016.

Shirkan ayaa inta uu socda looga doodi doonaa habraaca doorashada sanadka 2016 iyo waxyaabaha la xulan doono, iyadoo ay soo baxayaan in dhowr qodob uu jiro, kaasoo ay kala dooran doonaan dadka shirka ka qeyb galayaan, isla markaana fikirkooda ka dhiibanayaan

Ugu dambeyn shirar wada tashi oo looga hadlayo doorashooyinka 2016 ayaa maanta ka furmay magaalooyinka Kismaayo, Garowe, Cadaado iyo Baydhabo.

wada tashiga (1) wada tashiga (2) wada tashiga (3) wada tashiga (4) wada tashiga (5) wada tashiga (6) wada tashiga (7) wada tashiga (8) wada tashiga (9) wada tashiga (10)

 

warar sugan kala soco runtanews.net

nagala soo xariir ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET