Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo lagu wareejiyay xafiisyada dowladda Hoose (Sawirro)
31.10.2015 19:26Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ku soo wareejiyay Xafiisyada maamulka.
Guddoomiyaha cusub ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Aqalka dowladda Hoose, halkaasoo mid mid uu Guddoomiyihii hore ugu soo wareejiyay Xafiisyada dowladda Hoose iyo sida ay u shaqeeyaan.
Waxaa sidoo kale Guddoomiyaha cusub la geeyay xarunta dab damiska dowladda Hoose oo lagu wareejiyay gaadiidka dab damiska, Dugsiga Dr. Kadare iyo xaruntii KMG aheyd ee Maamulka Gobolka Banaadir ku lahaa degmada Huriwaa, halkaasoo Guddoomiyihii hore uu muddo ku shaqeynayay, ka hor inta aan la dayactirin Aqalka dowladda Hoose.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay sida ay u socdaan howlaha xafiisyada dowladda Hoose, waxaan uu uga mahad celiyay Guddoomiyihii hore Mr Muungaab howlihii uu qabtay iyo waxqabadkiisa lama ilaabaanka ah ee uu ku tallaabsaday mudadii uu xilka hayay.
Sidoo kale Guddoomiyihii hore Muungaab ayaa uga warbixiyay Guddoomiyaha cusub, sida ay u socdaan howl maalmeedka dowladda Hoose, waxaana uu u cadeeyay inuu la shaqeyn doono inta karaan-kiisa, isla markaana uu garab joogo.
Maalinta isniinta ee taariikhda tahay 2-da bisha November ayaa lagu wadaa in Guddoomiyaha cusub uu si rasmi ah xilka ula wareego, waxaana socota qaban qaabada xil wareejinta uu sameynayo Guddoomiyihii hore Muungaab oo horay u soo dhoweeyay xil ka qaadistii lagu sameeyay, kuna tilmaamay inuu xilku yahay meerto.
———
Tillbaka