Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maanta la magacaabay

29.06.2015 15:53

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa maanta magaalada Cadaado waxa ay ku doorteen Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kadib kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Maamulka Galmudug.

Fadhiga Xildhibaanada waxaa soo xaadiray oo goobjoog ahaa Xildhibaano gaaraya 77 Xildhibaan, iyadoo doorashada Guddiga ay noqotay mid gacan taag ah.

73 ka mid ah Xildhibaanada ayaa waxa ay cod gacan taag ah ugu codeeyeen sagaal Xubnood oo loo doortay inay noqdaan Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee Maamulka Galmudug 3 Xildhibaan ayaa ka aamusay 1 Xildhibaana wuu diiday.

Magacyada Guddiga Doorashooyinka ayaa kala ah

1:Maxamuud Aadan Cismaan Guddoomiye

2:C/wali Cali Maxamuud Xoghayn

3:Maxamed Xasan Geelle Xubin

4:Farxiyo Xasan Cali Xubin

5:Xasan Maxamed Axmed Xubin

6:Farxiyo Cabdulaahi Shiikh Doon Xubin

7:Canab Maxamed Cosoble Xubin

8:Maxamed Mire Axmed Xubin

9:C/qaadir Cali Diirshe Xubin

Sagaalkaan xubnood ayaa waxa ay kasoo shaqeyn doonaan Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo balanta ay tahay inay dhacdo 04 Bisha soo socota ee July.

guddiga

warar sugan kala soco 

shabakada calamiga runtanews.net

nagala soo xariir ganeyte5@gmail.com

 
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET