Guddi Farsamo oo galabta looga dhawaaqay Magaalada Cadaado

02.05.2015 21:45

Guddi Farsamo oo ka duwan midkii hore, ayaa waxaa maanta looga dhawaaqay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii laba ka mid ah saxiixe-yaasha ay kala direen Guddigii hore.

 

Madaxda Ahlu Sunna iyo Galmudug, ayaa waxay si xoogan kaga horyimaaden Guddigii Farsamada, ee arrimaha Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe u joogay Magaalada Cadaado.

 

Sidoo kale waxay Dowladda Somaliya ku dhaliileen inay la fasatay qaar ka mid ah Musharaxiinta ku sugan Magaalada Cadaado, loona baahan yahay in la sameeyo Guddi Madax Bannaan, oo si cadaalad ah ugu adeegga dadka deegaanka.

 

Guddiga xilligan la magacaabay oo ka kooban 35 xubnood, ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay C/qaadir Maxamed Bahdoon.

 

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa taageeray Guddigan cusub, isagoona ku booriyay inay meesha ka sii wadaan qorshaha lagu doonayo in Maamul Gobolada Dhexe loogu soo dhiso.

 

Dowladda Somaliya, ayaan wax jawaab ah ka bixin soo magacaabidda Guddiga cusub, xilli ay iyadu aqoonsan tahay Guddigii Farsamada ee horey u joogay Cadaado, tiradooduna ka kooban tahay 27-ka xubnood.

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET