Go’aan yaab leh: Kenya oo Shabaab u direysa ergo si looga baryo wada-hadal”
15.03.2015 13:51Guddoomiyaha Aqlabiyadda Barlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la furaan ururka Al-shbabaab.</p>
Xildhibaan Barre oo boqollaal dadweyne ah kula hadlayey goob fagaare ah, wuxuu sheegay in haddii ay suurogal tahay ay Al-shabaab kala hadli doonaan inay joojiso weerarrada ay ka geysaneyso gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalidu degto.
“Bannaanka naga mara, haddaad rabtiin duqey iyo culimaa’uddiin iyo siyaasiyiin ayaan idiin soo direynaa, waan idiin imaaneynaa noo sheega meshaad joogtiin” Xildhibaan Barre ayaa sidaas yiri,
Wuxuu isagoo hadalkiisa sii wata raaciyey “Anaga hana soo fara gelinina, Gaarisa noo badbaadiya, Wajeer noo badbaadiya, Mandheera noo badbaadiya, Islii noo badbaadiya”.
Hadalka Guddoomiyaha Aqlabiyadda Barlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa kusoo aadaya maalin kaddib markii Al-shabaab jidka u gashay kolonyo uu la socdey guddoomiyaha degmada Mandhera Cali Roba.
Weerarkaas waxaa ku dhintey ugu yaraan afar qof ku dhowaad toban kalena way ku dhaawacmeen inkastoo Cali Roba aanay wax dhibaato ahi kasoo gaarin.
warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah
runtanews.net nagala soo xirir ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka