Gaafow oo soo bandhigay Warqad Codsi ah uu usoo diray Wasiir Waran Cadde (Aqriso Warqadaasi)
01.02.2016 16:19Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Soomaaliya Jeneraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud, oo Warbaahinta la hadlay ayaa si adag uga hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Wasiirka arimaha Gudaha Maamulka Somaliland Cali Waran-Cadde.
Gaafow ayaa Warbaahinta usoo bandhigay Warqad codsi ah uu u usoo qoray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Waran Cadde , oo kaga dalbanayay in magaalada Hargeysa laga furo xafiis laga qaato baasaboorka Soomaaliga.
Waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Soomaaliya hadalkii dhawaan kasoo yeeray Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland, waxa uuna intaa raaciyay in Baasaboorka Soomaaliga uu yahay mid heesto aqoonsi caalami ah.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde, ayaa dhankiisa beeniyay Warqada uu soo bandhigay Gaafow in isagu diray, waxa uuna tilmaamay in Warqadaasi ay tahay mid been abuur ay abaabushay Dowlada Soomaaliya.
Halkan ka aqriso Warqada Codsiga uu soo diray Wasiir Waran Cadde
———
Tillbaka