Fanaaniintii Kooxda Xidigaha Geeska oo Cuntada iyo in xabsiga lagu booqdo loo diiday

29.09.2015 09:37

Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska oo maalintii labaad ku xiran magaalada Hargeysa ayaa loo diiday Cuntada, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Kooxda Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-Saalax).

Fanaaniintan oo kala ah Nimcaan Hilaac, Xamda Queen, Maxamed Axmed Cirro Bakaal iyo C/raxmaan Oday ayaa habeenkii Ciida bandhig faneed ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shalay markii ay ka ambabaxeen Muqdisho lagu xiray garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Abwaan Laab-Saalax oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in xariga Fanaaniintan ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana aysan aheyn shaqaale dowladeed.

“Fanaaniinta maalintii labaad ayay xiran yihiin, cuntada waa loo diiday, in la booqdana waa la diiday, ma ahan Shaqaale dowladeed, waxaa layaab ah in aysan wasaaradda Warfaafinta Somaliland wali ka aamusan tahay Arrintan”ayuu yiri Guddoomiyaha Kooxda Abwaan Xasan Saleebaan Laab-Saalax.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka Somaliland aanu meelna kaga qorneyn in tagitaanka Muqdisho ay tahay dambi, waxaana uu xusay in Fanaaniintu aysan xuduud laheyn.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in Fanaaniintan ay ka tirsan yihiin Wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka, isla markaana ay ku xadgudbeen madax banaanida Somaliland.

Baraha Bulshada ayaa hadal heynta ugu badan ay tahay xariga Fanaaniinta Xidigaha Geeska, waxaana dadku ahaayeen kuwo ku kala aragti duwanaa xarigooda, waxaana badankood ku tilmaameen xariga fanaaniintaas mid aan habooneyn.

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET