Facebook oo bilaabaya Satellite 2016
07.10.2015 10:01Satelliteka ayaa shaqada bilaabi doonaa sanadka 2016.
Facebook ayaa ku dhawaaqay barnaamijkii ugu horeeyay oo internet sattellite ah loogu samaynayo Afrika.
Shirkadda ayaa sheegtay iyadoo la shaqaynaysa shirkadda Faransiiska ee Eutelsat, inay dirayso satellite sanadka danbe, si uu internet u gaarsiiyo dadka degan meelaha fog ee Afrika.
Qoraal uu Facebook ku soo qoray madaxa Facebook Mark Zuckerberg, ayaa sheegay in AMOS-6 satellite la dhisayo uuna joogi doonos amada Afrika korkeeda, wuxuuna dabooli doonaa qaybo badan Afrika.
Facebook ayaa sheegay inay ku leeyihiin labaatan milyan oo macaamiil Nigeria iyo Kenya, iyadoo dadka badankood ay isticmaalayaan taleefoonada mobileka.
warar sugan kala soco runtanews.net
———
Tillbaka