Faah-faahin dheeraad ah oo laga helaayo sababaha Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha loogu xanibay Garoonka Jomo Kenyatta
21.02.2016 12:30Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in shalay Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta lagu xanibay xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ay Wehliyaan, Wasiiro ,Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa shalay Diyaarad qaas ah waxa ay ka qaaday magaalada Muqdisho, waxa ayna Diyaarada ka dajisay Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta .
Wafdiga uu Hogaaminayay Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa damcay in ay gudaha u galaan magaalada Nairobi kuna nastaan inta ay ka imaaneyso Diyaarad kale ay usiii raaci lahaayeen dalka Turkiga, hasa ahaatee waxaa loo diiday Wafdiga in ay gudaha u galaan magaalada .
Saraakiisha amaanka Garoonka Joma Kenyatta ayaa ka biyo diiday in masuuliyiinta Dowlada ay ka baxaan gudaha garoonka, iyagoona taa badalkeeda ka qaaday baasabooradii ay wateen kuna amray in garoonka kusii nagaadaan ilaa ay ka timaado Diyaarada ay ku qoran yihiin in ay raacaan.
Ugu Dambeyn Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiiradii la socday ayaa loo ogolaaday in garoonka ay ka baxaan ayna galaan magaalada, hasa ahaatee waxaa garoonka lagu xanibay Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada.
Saraakiisha amaanka Garooka Diyaaradaha Joma Kenyatta ayaa ku macneeyay sababaha ay masuuliyiinta Dowlada ugu xanibeen garoonka ay tahay sababo amni, waxa ayna tilmaameen in Garoonka ay keentay diyaarad qaas ah iyaga oon soo marin garoonka Wajeer oo inta badan lagu soo baaro diyaaradaha Soomaaliya ka taga.
Xildhibaanadii iyo Masuuliyiinta kale ee lagu xanibay Garoonka ayaa shalay ilaa xalay waxa ay ku sugnaayeen iskana fadhiyeen qeybta Taransit-ka, waxaana saakay ay ka dhoofeen garoonka iyaga oo aad uga careesan waxii qabsaday.
Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdiga uu hogaaminayay ayaa saakay u ambo baxay Dalka Turkiga halkaas uu ka furmayo Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya, waxaana shirkaasi ka qeyb galaya madaxda maamulada dalka ka jira.
Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ayaa inta badan lagu silciyaa laguna dhibaa dadka Soomaaliyeed ee halkaasi taransitka kusii mara, waxaa sidoo kale jira in xiliyada qaar madaxda Soomaalida lagu silciyo garoonkaasi, halka Madaxda Kenya marka ay imaanayaan Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyo Garoonka Aadan Cadde.
———
Tillbaka