EU oo isku raacay saami ahaan ineey u qeeybsadaan 40 000 qaxooti ah ee ku sugan waddammada Gariigga iyo Talyaaniga.
26.06.2015 19:19Kulan socday muddo toddoba saacadood ah oo la soo gabagabeeyey saddexdii habeen-nimo ee xalay ayay ku caddaatay in aan la isku raacin heshiis ku khasbaya waddammada xubnaha ka ah EU iney saami ahaan u qeeybsadaan 40 000 qaxooti ah ee ku sugan waddammada Gariigga iyo Talyaaniga.
Hase yeeshee ey waddammadu ballaan qaadeen iney qaxooti tiradaa gaarsii-san la soo wareegi doonaan.
– Markii ugu horreeysay taariikhda EU ayaannu ku heshiiney in waddammada xubnaha ka ah EU masuuliyaddooda qaadaan oo ey qaabilaan dadyoowga qaxa ku jira. In aaney masuuliyaddaa dusha iska saarin oo keliya waddammo dhowr ah sida ay hadda tahay, balse ey waddammada badankood gacan ka geeystaan. Waa marxalad cusub oo la galey, sida uu sheegay madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven .
Midda keentay in muddo toddoba saacadood ey dooddu ku qaadato hoggaamiyeyaasha waddammada xubnaha ka ah EU ayaa ahaa ereyga ”waddammada oo dhan iney culeeyska ka dhimmaan waddammada Gariigga iyo Talyaaniga, eyna kala soo wareegaan 40 000 oo qaxooti ah”.
Inkasta oo ereyga lagu heshiiyey ahaa in gacan guud la isa siiyo ayuu dhanka kale muuqdaa khilaaf u dhexeeya iyo fikirro ey ku kala duwan yihiin waddammada xubnaha ka ah EU. Waa mid salka ku haya dalka Hungeriya.
– Waxaa dalka Hungeriya naga soo gaarey dhambaallo oraneya in aanu dalkaasi diyaar u aheyn wada shaqeeyn noocaasi ah, sida uu sheegay Stefan Löfven .
Dalka Hungeriya ayaan qayb ka noqon doonin sidii loo gacan siin lahaa waddammada Gariigga iyo Talyaaniga. Intii ka horeeysay ee fiidkii ayey sidoo kale sheegeen waddammada Maalta iyo Bulgaariya in aaney dooneyn qayb iney ka noqdaan heshiiskaa, hase yeeshee ugu dambeeyntii go’aansadeen iney gacan ka geeystaan.
Hoggaamiyaha dalka talyaaniga Matteo Renzi, ayaa shirka ka sheegay in haddii aan lagu tallaab-san lahaeyn is-gacan siin aaney suurtagal ahaan laheyn in yurubiyaan la isku magacaabo.
Heshiiskan ayaa la oran karaa inuu dhabar jab ku yahay hoggaanka sare ee ururka Midowga Yurub, maadaama uu hoggaanku watay qorshe ah in lagu qiimeeyo tirada qaxootiga ee waddan walba uu saamiga u yeelan doono dhaqaalaha dalkaasi. Qorshahaasina oo la laaley.
Khasab ama mutadawac ahaan wax macne ah sameeyn mayso ayuu sheegay hoggaamiyaha hoggaanka ururka EU Jean-Claude Juncker.
Tallaabada xigta ayaa noqon doonta in bartamaha bisha luulyo ey kulan ku yeelan doonaan wasiirrada socdaalka dalka Luxemburg iyo sidii ey go’aan uga gaari lahaayeen tirada qaxootiga ee dal waliba qaabili doono.
———
Tillbaka