Ergada Shirka Cadaado oo qalinka ku duugay Gobolka Mudug in uu ka mid yahay Maamulka Gobolada Dhexe
12.06.2015 11:26Ergada Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxay guda galeen ka doodista nuqulada uu ka kooban yahay Dastuurka KMG ah ee Maamulka Gobolada Dhexe.
Ergada, ayaa waxay maanta ansaxisay in Gobolka Mudug oo idil uu ka tirsan yahay Maamulka Gobolada Dhexe loo dhisaayo, ee markaasi ka kooban Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Iyadoo Puntland diiday in Waqooyiga Mudug la raaciyo Koonfurta Mudug, si uu ugu biiro Gobolka Galgaduud, ayay hadana Ergadu si rasmi ah u aqoonsatay in Gobolkaasi uu bahwadaag la yahay Galgaduud.
Qaar ka mid ah Ergada, ayaa ka maqneyd kulankii maanta, iyadoo ay xusid mudan tahay inaanay Arbacadii shalay wax kulan ihi yeelan, iyadoo uu jiro khilaaf soo kala dhex galay Ergada iyo Guddiga Farsamada.
Ergadu oo tiradoodu guud ay ka kooban tahay 350 xubnood, ayaa waxay shaqadoodu tahay inay ansaxiyaan Dastuurka, Calanka, Astaanta uu Maamulku yeelan doono iyo inay soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka.
Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, ayaa waxaa la dhihi karaa cago badan kuma taagno, Ergada oo laba garab u kala qaybsan, garab taabacsan Dowladda Federalka iyo garab kaloo ka soo horjeedo.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa dhinaciisa sheegay in meel wanaagsan uu maraayo shirka ka soconaaya Magaalada Cadaado.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka