Duuliyihii Diyaaradda Daalo: ” Ammaanka Garoonka Muqdisho Waa Eber”.

08.02.2016 08:39

Duuliyihii Diyaaradda Daalo: ” Ammaanka Garoonka Muqdisho Waa Eber”.

12688205_10153955354238384_2647528320111614264_n

Captain Vlatko Vodopivec, Duuliyihii dayaaradda Daallo ee dhowaan hawada iyada oo mareysa qaraxu uu ka dhex dhacay, ayaa ku tilmaamay amniga garoonka dayaaradaha ee Muqdisho in uu yahay Eber ama Zero.

Shaqaalihii iyo rakaabkiiba waa ay ka badbaadeen qaraxa, marka laga reebo hal qof oo ka soo dhacay dayaaradda,

Asaga oo magaalada Belgrade ugu warramaya AP wuxuu yiri: Markii aan garoonka Muqdisho soo cagadhigannay, waxaa soo yaacay 20 ilaa 30 ruux oo soo ag dhoobtay dayaaradda. Dadkaas oo aan xirneyn calaamad lagu aqoonsado waxay galayeen dayaaradda oo haddana ay ka soo baxayeen. Qofna ma oga waxa uu qofka kale yahay. Wixii ay doonaan ayay dayaaradda dhex dhigi kareen markii ay rakaabku ka degeen.

Barta Internetka ee Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa London ayaa xalay wareysigan qortay.

Tilmaamo kale oo dhowr ah oo ku saabsan amniga gegida ayuu bixiyay, kuwaas oo arga-gax gelin kara qofkii aan hore uga warqabin.

Waxaan rajeynayaa in aan is difaac la gelin, ee so taxaddar leh dib loogu eego howsha garoonka, hey’adaha kala duwan ee ka howlgala iyo mid kasta kaalinteeda iyo waajibaadkeeda, lana suuliyo amni darrada.

warar sugan kala soco runtanews.net

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET