DUMARKU KALA SHARAF BADANAA KALA DHOWRSANAAN FICANAA KALA DAREEN ROONAA HADABA DUMARKA XIJAABAN IYO KUWA QAAWAN KUWEEBAA KALA DAREEN FIICAN.
08.03.2015 16:24Baaris dheer oo ay sameeyeen Khubaro Islaami ah ayay ku Ogaadeen in Gabadha Muslimadda Xijaaban ah ay dhan walba oo Nolosha ah uga wanaagsantahay kuwa kale ee Islaamka sheegto oo aan marnaba Jirkooda ku Dahaarin Xijaabka alle ku waajib yeelay Gabdhahay Muslimaadka ah.
Warbixinta oo ah mid xiisa badan waxay Ragga Jeclaysiinaysaa Gabdhaha Xijaabka Sharciga ah qabo waxayna Weji Gabax ku ridaysaa Ragga qabo Haweenka caariyaadka ah sida kuwa Fanaaniinta ah ee Goobaha Munaasabadaha ah ka heeso.
Khubaradan Islaamka ah waxay muujiyeen in Muuqaalka Gabadha Muslimadda ah uu in badan ka wanaagsanyahay Gabdhaha kale, tusaale ahaan Gabdhaha Caariyaadka ah kama Xishoodsiin karaan Dhalinyarada caadiga ah oo marka ay Dhalinta aan weli wax guursan ay arkaan Gabdha Xijaaban waxay durbaba bilaabaan Xishood iyo in ay Wejiga Hoos u raariciyaan
Halka Gabdhaha aan Xijaabnayn ay Dhalintu Indha la raacaan iyagoona meel walba ka eego Jirkeeda taas oo keento in ay Hoygeeda ku laabato iyadoo dhan walba ka kashifan oo Jirkeeda ay ka bogteen Dad ka Ajnabi ah taas oo aan u wanaagsanayn xaaskeeda maadaama si Dadban loola qaybsaday.
Ragga Guursado Haween Caariyaadka ah ayaa la sheegay in ay ka Nasiib xunyihiin Ragga kale ee qaba Haweenka Xijaaban, Rag wada qaba caariyaad iyo Muxajabaad ayaa la sheegay in ay wada sheekaysteen dabadeedna uu masayray Ninkii qabay Haweenta caariyaadka ah.
Ninka Haweebta Xijaaban qaba wuxuu helaa Raaxo iyo Nolol qaali ah marka ay Xaaskiisa isla tagaan Gogosha halkas Ninka haweenka aan xijaabnayn qaba uusan helin Raaxo iyo deganaan.
Haweenayda Xijaaban waxay kicisaa Dareenka Seygeeda waayo waxay Seygeeda ulasoo shir-tegaysaa Jir Asturan iyo Caaboonaan maadaama Jirkeedu uu yahay mid Dahan oo aan weli qof kale dheehan.
Dhanka wada Noolaashiyaha ayay ku kala duwanyihiin labada Gabadh ee Xijaaban iyo tan aan xijaabnayn
———
Tillbaka