Dowladda Soomaaliya oo markii u horeysay ka hadashay Saraakiil u xiran Qaraxii Hotel SYL

10.03.2015 15:32
 

Weerarkii Hotel SYL ayaa dhacat 22-kii bishii Janaayo, maalin ka hor xilliga la filayay inuu Muqdisho yimaado Madaxweynaha Turkiga,Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay baaritaanka qaraxii ismiidaaminta ee 22-kii bishii Janaayo lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho iyo dadka u xir xiran weerarkaas oo ay ilaa iyo hadda baaritaano ku socdaan.

Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Abuukar oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in ilaa 11-ruux oo saraakiil iyo ciidan isugu jira ay weerarkaas u xiran yihiin, kuwaasoo lagu tuhmayo inay fududeeyeen ama ay wax ka ogaayeen weerarkaas.

Waxaa uu sheegay in saraakiisha loo xiray weerarkaas loo gudbiyay Xabsiga dhexe, waxaana uu tilmaamay in dhowaan maxkamada ku shaqada laheyd howshaas ay qaadi doonto.

 

“11 Sarkaal iyo ciidan isugu jira oo fal dambiyeedkaas lagu tuhumayo ayaa xiran, xabsiga dhexe ayayna ku jiraan, baaritaanka mar dhow ayaa la soo gaba gabeyn doonaa, halkan waxaa ila jooga Xeer Ilaaliyaha Maxkamada ciidamada qalabka iyo guddigii baarayay”ayuu yiri Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka la soo xiray aan la dhihi karin dambiilayaal, balse ay Maxkamada ku cadeyn karto dambi, isagoo xusay in wali arrintan ay tahay mid tuhun ah oo raggaas lagu tuhmayo, isla markaana ay socoto baaritaan.

Weerarkii lagu qaaday Hotel SYL oo ku dhow Madaxtooyada ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab, iyadoo weerarkaas uu dhacay xilligii lagu guda jiray diyaar garowgii soo dhoweynta wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Warar Sugan Xigasho iyo Xaqiiq ah

runtanews.net

Nagala soo Xiriir ganeyte5@gmail.com

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET