Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay Go’aankii Saxaafadda Loogu Qasbayay Isticmaalka Magaca UGUS
13.06.2015 10:37Dowladda Soomaaliya ayaa dib oga guratay go’aan horey oga soo baxay oo saxaafadda madaxa banaan ku qasbayay in ay isticmaasho magaca UGUS oo dowladda u bixisey ururka Alshabaab.
Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlayay barnaamijka tabinta tooska ah ee Martida Todobaadka ee Jimcaha ka baxa taleefishinka Universal ayaa yiri “Saxaafadda anaga ku qasbi meyno, qiyaar ayay leedahay in ay isticmaasho magacaasi iyo inkale”.
Waxa uu wasiirka sheegey in magacaasi ay bixiyeen laamaha amniga, islamarkaasina uusan ahayn magac maray golaha wasiiradda, baarlamaanka iyo waliba beesha caalamka, sidaasi darteedna aanan sinabada loogu qasbi karin saxaafadda, uusana noqon karin magac rasmi ah oo cid loo yaqaano.
“Warbaahinta dowladda waa ay isticmaashaa” ayuu yiri Maareeye oo caddeeyey in uu la dhacsanyahay magaca UGUS “Sababtoo ah sifadaasi waa leeyihiin Alshabaab” ayuu yiri.
Dhanka kale waxa uu wasiirka ka hadlay sharciga saxaafadda ee horyaala baarlamaanka “Aniga ayaa sharcigan soo bilaabay 9 sano ka hor markii aan ahaa wasiirka warfaafinta, waxaanan ku wareejiyey wasiirkii xilka igala wareegey Jaangali oo aan hadda golaha wasiiradda ku wadajirno, 70% waa sharcigii aan aniga qorey, wuxuuna maray la tashi badan, haddana waxaan rajaynayaa in uu meelmaro” ayuu yiri Maareeye.
Maareeye waxa uu aaminsanyahay in sharciga uu yahay mid u wanaagsan saxaafadda, islamarkaasina maray dhamaan heerarkii la tashiyada ahaa “8 sano 9 sano ayuu soo jiitamayay oo laga soo tashanayay, marka ma dhihi karo waa lala degdegey ee waxaan dhihi karaa waa lala daahay” ayuu yiri Maareeye.
Mar wax laga weeydiiyey afhayeenada badan ee laamaha dowladda ayuu sheegey in ay jiraan caqabado ka yimaada kala hadalkooda , balse ay jiraan dadaalo lagu wada xiriirsiinayo.
“Maadaamaa dowladdii ay baahdey, wasaarad kasta iyo hey’ad kasta waxa ay tiri sideen shacabka ola wadaagnaa hawsha aan qabanayno, dhankaasi marka laga eegana waa horumar ayaa la dhihi karaa” ayuu yiri wasiirka.
Qodobo kale oo uu ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa dakhliga soo gala warbaahinta dowladda oo uu sheegey in ay ku dhacdo qasnadda dowladda marka laga reebo marka ay timaado baahi degdeg ah “sida matoor halaabay oo kale”.
Saxaafadda madaxa banaan ayuu sheegey in uu isaga wasiir u yahay, islamarkaasina wixii horumarin ah sida tababarada ay u furanyihiin.
“Waxaan rabnaa in Soomaalida aan dhex dhigno dhaqan oo ay isaga ku midoobaan” ayuu yiri wasiirka oo sheegey in qabiilka iyo waxyaabihii kale lagu guuldareystey in lagu mideeyo Soomaaliya, wuxuuna soo hadal qaaday in wasaaradda ay bilaabi doonto barnaamij hiddaha iyo dhaqanka.
Barnaamijka oo dhameystiran halkaan ka daawo: https://universalsomalitv.net/infusions/media/post_martida-todobaadka_7645
Xigasho universaltv
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka