Dowladda Soomaaliya Iyo QM oo ka Wada hadlay Horumarinta Baarlamaanka (Sawirro)

15.03.2015 20:06

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay islamarkaana uu hogaaminaayo Madaxa Hey’adda Barnaamijka horumarinta Umadaha Midoobay u qaabilsan Soomaaliya George Conway ayaa maanta kulan la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Ahna Kusimaha Madaxweynaha Dalka Maxamed Sh Cismaan Jawaari.

Kulanka ayaa looga Hadlay sodii Qaramadda Midooway ay gacan uga geysan lahaayeen Horumarinta Baarlamaanka Dalka iyo Baarlamaanada Maamul goboleedyada Soomaaliya Ka Jira.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Ahna Kusimaha Madaxweynaha Dalka Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wefdiga ay kala saxiixdeen Barnaamij lagu hormarinayo Baarlamaanka Dowladda Dhexe iyo Baarlamaanada Maamul goboleedyada dalka Ka Jira.

Madaxa Hey’adda Barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya George Conway ayaa dhankiisa sheegay in Qaramadda Midoobay ay ka go’an tahay in ay gacan ka geestaan Horumarinta Dalka Soomaaliya.

g1g2g3g4g5g6g7g10g8g10g11g12g13

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET