Dowladda Somaliya oo sheegtay in muddo 7 cisho gudahood lagu bilaabi doono dib u soo celinta qaxootiga Yemen

26.04.2015 13:02

Dowladda Somaliya, ayaa waxay wadaa qorshe heer gaba gabo maraaya oo lagu doonaayo in dib loogu soo celiyo qaxootiga Somaliyeed ee dalka Yemen ku sugan.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya C/salaan Hadliye Cumar, ayaa daboolka ka qaaday inay Dowladdu maalmo yar ku bilaabi doonto, sidii ay dib ugu soo celin laheyd qaxootiga Yemen kaga sugan.

 

Wasiirka wuxuu cadeeyay in Dowladda Somaliya ay u tabaabusheysatay, sidii ay dib dalka ugu soo celin laheyd qaxootigeeda dalka Yemen ku dhibaateysan.

 

Gudoomiyaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Axmed C/kariin Nuur (Axmed Daahir), ayaa sheegay in Dowladdu ay heshiis la gashay Hay’adaha IOM iyo ICRC, si qaxootiga Somaliyeed looga soo saaro Koonfurta iyo Waqooyiga Yemen.

 

Ahmed Daahir, ayaa tilmaamay in IOM iyo ICRC ay Dowladda Somaliya ka caawin doonaan, sidii qaxootiga looga soo daad gurayn lahaa dhul, bad iyo cirba dalka Yemen.

warar sugan kala soco

shabakada calamiga

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET