Dowladda Somaliya Oo Madaxda Kenya Ugu Yeertay Inay Jawaab

22.02.2016 19:05
22 Feb 2016
1
 
 
01

Dowladda Somaliya, ayaa waxay sheegtay inay ka xun tahay dhacdadii maalintii Sabtida ka dhacday Garoonka Jomo Kenyatta Ee Magaalada Nairobi, oo muddo saacado ah lagu xanibay wafdi uu horkacaayay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladdu ay ka xun tahay tallaabada lagu xanibay wafdigii uu hormuudka u ahaa Ra’iisal Wasaaraha.

Bayaanka, ayaa sidatan u qornaa:

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xuntahay dhacdadii ka dhacday Garoonka Jomo Kenyatta Ee Magaalada Nairobi, halkaas oo ay Transit ku ahaayeen wafdi uu hogaaminayay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ku wajahnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si ay uga qaybgalaan shirka heerka sare ee wadatashiga Istanbul (HLPF).

Inkasta oo wafdiga uu hogaaminayay Ra”iisul Wasaaraha, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ay heleen soo dhoweyn heer sare ah (VIP Reception), haddana waxaa caqabad iyo dib u dhac la kulmay xubnihii kale ee wafdiga oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

 

Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, horay waxa ay u kala saxiixdeen heshiis is faham (MOU), kaasi oo dhigayay in xubnaha sare ee dowladda FS iyo xildhibaanada Baarlamaanka inay helaan ogolaansho dal ku gal waqti kasta (issuance of visas on arrival) mar kasta oo ay u safraan dalka Kenya, iyada oon dib u dhac lahayn, waxaase nasiib darro ah in dowladda Kenya ay jebisay heshiiskaasi.

 

Dowladda Federaalka Soomaliya waxa ay ka sugeysaa hogaamiyeyaasha Dowladda Kenya cudur daar rasmi ah iyo faah faahin la xiriirta dhacdadaasi iyo sababta keentay xanibaada wafdi heerkiisu sareeyo oo uu hogaaminayo Ra”iisal Wasaaraha Xukuumada. Gabagabadii Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka fekereysaa jawaabta ku haboon ee dhacdadaan.

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET