Dowladda oo sheegtay inaan la cafin karin saddex ka mid ah Saraakiisha Ururka Al Shabaab

11.04.2015 19:48

Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa daboolka ka qaaday inaanay Dowladdu wax cafis ah u fidin doonin saddex ka mid ah Saraakiisha Ururka Al Shabaab, laakiin inta kale ay cafiska ka faa’iideysan karaan.

Wasiirka oo galabta ka hadlay lacagaha ay Dowladdu dul dhigtay 11 ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab, ayaa xusay in saddex ka mid mooyee inta kale ay ka faa’iideysan karayaan cafiska loo sameeyay.

“Dowladda waxay hadda lacago dhul dhigtay 11 ka mid ah Madaxda Al Shabaab, saddex ka mid ah maahee inta kale way ka faa’iideysan karaan cafiska ay Dowladda u sameysay.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Somaliya.

Wasiirka, ayaa saddexda nin ee aan la cafin doonin ku kala sheegay Amiirka Ururka Al Shabaab Axmed Diiriye, balse isu magacaabay Sheekh Axmed Cumar (Abuu Cubeyda), Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage iyo Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay).

“Axmed Diiriye, Cali Dheere iyo Mahad Karataay saddexdaas nin waxay ogyihiin dembiga ay ummada Somaliyeed ka galeen inta uu le’eg yahay, iyagaba way ogyihiin inaysan Dowladda isku soo dhiibeen, Dowladdana aysan cafinayn.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay Radio Muqdisho.

Waxa uu intaa raaciyay “Dowladdu waxay inta kale ee Saraakiisha Al Shabaab ka tirsan ugu baaqeysaa inay ka faa’iideystan cafiskii loo fidiyay, kana baxaan Al Shabaab.”

Saraakiisha Al Shabaab ee lacagaha la duldhigay, ayaa kala ah:-

Axmed Diiriye oo loo yaqaano Sheekh Axmed Cumar (Abuu Cubeyda) 250,000 oo dollar
Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay) 150,000 oo lacagta Mareykanka ah
Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) boqol kun oo dollar ($100,000US)

C/laahi Cabdi Jimcaale oo loo yaqaano (Daa’uud Suheyb) 100,000 oo dollar
Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) 100,000 oo dollar
Xasan Maxamed Cali (Cali Afgooye) 100,000 oo dollar

C/laahi Cismaan (Ismaaciil) 100,000 oo dollar
Maxamed Cabdi Muusaa (Haabiil)  100,000 oo dollar
Sheekh Maxamed Maxamuud Dulyadeen 100,000 oo dollar

warar sugan kalasoco

runtanews.net

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET