Dowladda Kenya oo Xanibtay Akoonadda 13 Xawaalad iyo 86 Shaqsi April 8, 2015 15

08.04.2015 10:12

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Joseph nkaissery ayaa Xalay ku dhawaaqay in La Xeray oo la hakiyay Akoonadda Xawaaladaha Soomaalida iyo Shaqsiyaad looga Shakiyay iney Maalgeliyaan Xarakadda Al Shabab.

Kenya ayaa xanibtay Akoonadda 13 Xawaladood oo ay ku jiraan kuwo caan ka ah Dalka Soomaaliya iyo Akoonadda 86 Shaqsi oo dhamaantood looga shakisan yahay iney Dhinaca Maaliyadda ka taageeran Ururka Al Shabab.

Dowladda Kenya ma aysan shaacin Magacyadda Xawaaladdaha iyo Shaqsiyaadka ay uga shakisan tahay iney Xiriir la leeyihiin Xarakadda Al Shabab Ee Soomaaliya.

Go’ankan ayaa yimid Toddobaad kadib Markii Al Shabab ay sheegteen Weerar Culus oo lagu dilay 148 qof.

 

wararsugan kalasoco runtanews.net

waxaadnagalasoo xariirkartaan

ganeyte5@gmail.com

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET