Dowladda Kenya oo ka fekeraysa qorshihii ciidamadeeda Soomaaliya ay ugala bixi laheyd
04.06.2015 22:58Xukuumadda Kenya ayaa waqtigaan waxa ay qorsheynaysaa sida ugu macquulsan ee ciidamadeeda ka jooga dalka Soomaaliya ugala soo bixi laheyd, xilli dalka Kenya ay ka dhacayaan weeraro uga imaanaya dhanka Ururka Al Shabaab.
Shir ay isugu yimaadeen Guddiga Amniga Qaranka dalka Kenya ayaa looga hadlay arinta ku aadan sidii ciidamada Kenya looga soo saari lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo qorshaha arintaan laga fekeraayo.
Xubnaha Sar sare ee kulankaan isugu yimid ayaa waxa ay kala ahaayeen Wasiirka Difaaca Rachelle Omamo,Taliyaha Booliska Joseph Boinnet, Taliyaha sirdoonka Philip Kameru iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Ammaanka Qaranka dalka Kenya.
Yuusuf Xaaji oo horay u soo noqday Wasiirkii Gaashaandhiga dalka Kenya, kana soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in ujeedka uu yahay in laga fekero istaraatiijiyada ciidamada Kenya Soomaaliya gudaheeda looga soo saaraayo.
Wuxuu sheegay in 18-ka Bishaan la dhageysan doono fekerka ku aadan sida ugu macquulsan ee ciidamada Kenya Soomaaliya gudaheeda looga soo bixin karo.
Ciidamada Kenya oo howlgalka Amisom ka mid ah, tan iyo markii howshaan ay ku soo biireen dalkooda waxaa ka dhacaayay weeraro Shabaabka ay ka geysanayaan.
Shabaab waxa ay horay u sheegeen inaysan joojin doonin weerarada ilaa ciidamada Kenya laga saaro dalka Soomaaliya.
warar sugan kala soco
shabakada calamiga
runtanews.net
———
Tillbaka