Dowladda Canada oo sheegtay inay qabatay nin Soomaali ah oo lala xiriirinaayo afduubkii Somaliya loogu geystay Amanda Lindhout iyo Nigel Brennan

13.06.2015 10:29

Dowladda Canada oo sheegtay inay qabatay nin Soomaali ah oo lala xiriirinaayo afduubkii Somaliya loogu geystay Amanda Lindhout iyo Nigel Brennan

Dowladda Canada, ayaa waxay maanta daboolka ka qaaday inay gacanta ku dhigtay nin Soomaali ah, oo lala xiriirinaayo inuu wax ka ogaa afduub dalka Somaliya loogu geystay Amanda Lindhout, xilli uu la socday nin lagu magacaabo Nigel Brennan.

 

Nigel Brennan iyo Amanda Lindhout, ayaa gacanta u galay Ururka Al Shabaab, xilli ay Suxufiyiin ahaan u jooggeen Somaliya, waxaana muddo dhan 15 bilood lagu haayay Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Warbixin uu soo saaray Booliska Canada, ayaa waxaa lagu sheegay ninkaasi oo lagu magacaabo Cali Cumar Adeer, in uu ahaa ninka qura ee dhex dhexaadin ka ahaa, sii deysmadii Wariye-yaasha.

 

Warbixinta waxaa lagu sheegay laamaha ammaanka Canada inay ku daba jooggeen ninkaasi, wixii ka dambeeyay bishii November ee sanadkii 2009-ka, markaasoo la sii daayay Suxufiyiinta.

 

Booliska, ayaa sheegay in Khamiistii shalay lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo Cali Cumar Adeer, iyadoo afar maalmood oo keliya uu booqasho ku joogay Magaalada Ottawa.

 

Warbixinta laguma sheegin Boolisku inay wax ka ogaayeen fiiso booqasho ah oo Adeer uu ku soo galay dalkaasi iyo in kale. Warbaahinta Canada waxay tebineysaa in Boolisku uu u muuqday mid wax ka ogaa imaanshiyaha ninkaasi.

 

Suxufiyiinta lagu afduubtay dalka Somaliya, ayaa gacanta Al Shabaab ku dhacay 23-kii August ee sanadkii 2008-dii. Shabaabka waxaa lagu eedeeyay inay jirdileen Suxufiyiinta.

 

warar sugan kala soco

shabakada calamiga

runtanews.net

nagala soo xaririi

ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET