Dokumenteri muujinaya xaalada nolaleed ee qaxootiga kiiskooda yahay Dublin

07.05.2015 22:53

 

Foto: från filmen jag är dublin

”Jag är Dublin” waa film dokumenteri ah oo toosh ku iftiiminaya xeerka Dublin ee qoraya in qofka magangeliyo doonka ah kiiskiisa lagu tijaabin karo keliya dalka ugu horreeyay ee uu ka soo cago dhigay qaaradda Yurub.

Filmkan waxuu dhawaan ku guuleystay abaalmarinta ugu weyn Sweden ee filmada dokumenteriga ah, dhawaana waxaa laga sii deyn doonaa URPlay iyo SVT. Ahmed Abdullahi ayaa ka mid ah soo saarayaasha filmkan.

- Sababta anna u jeclaaday filmkan in aan u sameeyo; waxaan arkay, dadkeena soo tahriibaya, waxay maqlaan dhibaatada ka jirta markii doonta la raacayo ama saxaraha la soo marayo. Waana dhibaato aad iyo aad u weyn, dad baa ku dhinta badda iyo saxaraha. Laakiin niyad jabidda ka dhacda markuu qofka uu sharci raadis yahay ayaa ka daran dhibaatadas. Dad baa mararka qaarkood 12 sanno meeshan iska taagan oo sharci suga. Hadda Ahmed Yurub buu wareegayey 6 sanno ku dhawaad, ayuu yeri Ahmed Abdullahi oo ka mid ah soo saarayaasha filmka ”Jag är Dublin”.

Ahmed waa ruuxa filmkan dokomentriga ah ku sabsan yahay. ”Jag är Dublin” waa film dokumentri ah oo ku billaabanaya mala awaal. Soo saarayaasha filmka oo raadinaya ruux jila sheeko gaaban ayaa la kulmaya Ahmed si uu film ugu jilo ”Daoud”. Laakiin sheekada uu jilayo ayaa ah xaaladdiisa dhabta ah ee noalaleed. Waxyar ka bacdiiba waxaan ogaanaynaa in nolasha iyo khisada Ahmed ka xiiso badan tahay tan Doaud. Muddo lix sanno ah ayuu Yurub ku wareegayey, ku dhawaad labo sanno-na waxuu dhuumaaleysi ku jogaa Sweden. Sababtana waxay tahay xeerka Dublin ee u yaala waddama EU, kaas oo ornaya: magangeliyo doonka kiiskiisa in lagu tijaabiyo waddanka ugu horeeya ee uu ka soo cag dhigo qaarada Yurub. Xeerkan oo keena in qaxooti badan ku soo dhacan meel cidlo ah, xaquuq la’aan noqdaan.

Sannadkii 2014kii qaxootigii Sweden iska dhiibay oo go’aanka laga gaaray tiradooda waxay kor u dhaafaysay 50kun, 7898 ka mid ahna waxuu kiiskooda ahaa Dublin. 6400 oo ka mid ah tiradaasna waxaa la go’aamiyey in dib loogu celiyo waddankii ugu horeeyey ee ay Yurub ka soo galeen oo magangeliyada weydiisteen. Boqolkii 32 tiradaas la go’aamiyey in dib loo celiyo ayaa dhulka hoostiisa galay oo dhuuntay, ama u gubay oo iska dhiibay waddanka kale oo EU ka mid ah si nasiibkooda u tijaabiyaan, inkastoo horey loo diiwaangeliyey farahooda markey ay Yurub soo galeen. Xaaladasna waa mid uu ku sugan yahay Ahmed- ka dokumentriga ”Jag är Dublin”. 

Ahmed Abdullahi, waxuu filayaa in filmkan dokumenteriga ah uu noqdo mid xoq ka siiyo tahriibayaasha kasoo qulqulaya bariga Afrika, dhibaatada saxaraha iyo badda mediterreneanka markay ay ka soo gudbaadan, niyad jabka iyo silaca ku sugaya waqooyiga Yurub.

Soo saarayaasha filmkan waxay kalo yahiin: David Aronowitsch, Anna Persson, Ahmed Abdullahi, Sharmarke Binyusuf. Filmkan waxaa bishii mars ku guulestay abaal marinta ugu weyn Sweden ee filmada dokumentriga:Tempo Documentary Award 2015.

Xigasho Somaliska Radio.

warar sugan kala soco

runtanews.net

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode