Diyaarado Duqeyn Ba’an u Geystay Kooxda Al-shabaab ee Shabellaha Hoose.
10.03.2015 14:13Diyaarado aan la garanayn dalalka laga lee yahay, ayaa saakay duqeymo ka geystay deegaanada Toora Toorow iyo Ambariiso ee Gobolka Shabeellaha Hoose, xilli la ogyahay in fariisimo ku lee yihiin dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.
Duqeymaha, ayaa kolkii hore ka dhacay kontorool ku yaala deegaanka Toora Toorow, oo dhaca duleedka Degmada Afgooye, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnayeen Saraakiil Shabaabka ka tirsan.
Duqeymo kaloo xoogan, ayaa saakay laga maqlay kontorool kale oo ku yaala deegaanka Ambariiso, oo deegaan ahaan ka tirsan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa xaqiijiyay jiitaanka duqeymahaasi, waxyeelana loogu geystay mintidiinta Ururka Al Shabaab.
Gudoomiyaha, ayaa sheegay inay dib ka soo faah faahin doonaan khasaaraha dhabta ah ee Shabaabka ka soo gaaray duqeymahaasi iyo weliba cidda dhabta ah ee geysatay.
Gobolada Koonfureed Somaliya, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waxaa ku soo badanayay duqeymaha ay ka geysanayaan dalalka Reer Galbeedka, oo uu ugu horeeyo Mareykanka.
Diyaaradaha Drones-ka Mareykanka, ayaa dhowr goor oo hore weeraro qorsheysan ku dilay Saraakiil sar sare oo Shabaabka ka tirsanaa.
warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah
runtanews.net
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka