Diyaaradii ugu horeysay oo Yemen Qaxooti kasoo qaada oo Muqdisho ku soo jeeda

18.05.2015 14:00

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay soo caga dhigato diyaaradii ugu horeysay oo Qaxooti Soomaaliyeed kasoo qaada dalka Yemen, xilli Xukuumadda ay sheegtay in Isniinta maanta la keenayo dadkasi

Tirada dadka lagu wado in Manta Muqdisho la keeno, waxa ay gaarayaan ilaa 145-ruux, kuwaasi oo laga soo qaaday dalka Yemen oo dagaalo ay ka socdaan.

 

Qunsul ku xigeenka Soomaaliya ee Yemen Xuseen Xaaji, ayaa ku waramaayo in Dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay sidii dadkaan loo soo qaadi lahaa, maanta oo Isniin ahna Muqdisho la keenaayo.

 

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdi Wali ayaa Khamiistii sheegay in 145 ruux markii ugu horeysay oo diyaarad looga soo qaadayo dalka Yemen, Dowladda ay ku soo dhaweynayso Magaalada Muqdisho.

 

Yemen oo dagaalo ay ka socdaan ayaa dhibaatooyin kala duwan waxa ay ku haystaan dadka Soomaaliyeed ee Qaxooti ahaanta halkaasi u tagay.

 

Qaxootigii ugu badnaa oo dhanka badda soo mara ayaa gaaray deeganada Maamulka Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso.

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET