Diyaaradaha Kenya oo Duqeymo ka fuliyay Gobolada Gedo iyo Jubbada Dhexe

17.03.2015 10:09

Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa Labadaa Maalmood ee lasoo dhaafay Duqeymoo ka fuliyay Dhowr Goobood oo ku yaalla Gobolada Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Weeraro Khasaaro geestay ayaa waxay Diyaaradaha ka geesteen Deegaanno ay kamid yihiin Godin-dhawe iyo Khadiijo Xaaji oo ku yaalla Duleedka Beled-Xaawo, iyadoo Maalintii Shalay sidoo kale Dhowr Gantaal ku dhifteen Deegaan ku yaalla meel u dhaw Baardheere.

Wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan in Goobaha la duqeeyay ay qaarkood yihiin Dhul-Beereedyo iyo meelo ay Shacab degan yihiin, waxaana wali la oheyn Khasaaraha dhabti ah ee Duqeymaha.

Degmada Jilib ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Hawadeeda lagu arkay Labo Diyaaradooda oo kuwa Dagaalka Kenya ah, balse wali Wax Duqeyn ah kama aysan fulin Degmada oo Al shabaab gacanta ku hayso.

Ciidanka Kenya ayaa Labo Jibaaray Duqeymaha Cirka markii Al shabaab ay dhawaan Dhowr Weerar ka fuliyay Waqooyiga Bari ee dalka Kenya.

warar sugan xigasho iyo xaqiiq.

nagala soo xirir ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET