Dib u dhac ku yimid Shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe.
11.04.2015 12:05Waxaa dib u dhac ku yimid Waqtigii uu furmi lahaa shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud oo lagu waday in maanta oo Sabti ah uu ka furmo magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Wararka la helaayo ayaa sheegaya in shirka maanta uusan furmeyn oo ay suuragal tahay in ilaa Talaadada la gaaro, maadaama Maamulka Ximan iyo Xeeb ay diidan yihiin in Magaalada Dhuusamareeb laga dhigo Xarunta Maamulka Gobolada Dhexe.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa la filayaa inuu maanta gaaro Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulkaasi si uu ula soo kulmo Madaxda Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Xubno ka tirsan Ergada shirka ayaa ku waramaayo in shirka maanta dib u dhacaasi uu ku yimid, maadaama weli ay taagan tahay caqabad ku aadan Aqoonsiga Madaxweynaha uu u aqoonsaday Magaalada Dhuusamareeb xarunta Maamulka Gobolada Dhexe.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii lasoo dhaafay ka sheegay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud in 11-ka Bishan oo maanta ku beegan shirka uu ka furmanaayo Magaalada Cadaado, hayeeshe xalay ilaa saaka ayeey soo baxeen wararka la xiriira in shirka dib u dhac uu ku yimid.
Shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku horgudban caqabado kala duwan oo hadba dhinac kasoo baxaya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin dib u dhaca ku yimid furmashada Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe
warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah
kala soco runtanews.net
———
Tillbaka