DHUUSAMAREEB OO UU KA SOCDO BANAAN BAX LOOGA SOO HORJEEDO IN SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA G/DHEXE............

01.04.2015 12:44
Magaalada Dhuusa mareeb Waxaa ka dhacay banaanbaxyo rabshada wata oo ay dhigayaan dadka degan magaalada dhuusamareeb sida aan wararka ku heleyno dadka qaar ayaa shidaya taayaro waxeeyna doonayaan in shirka maamul u sameeynta G/Dhexe lagu qabto magaalada dhuusamareeb Ciidamada Amaanka ayaa dadka ku ridaya rasaas si ay u kala xakeeyaan dadka banaanbaxaya kuwaas oo ka soo hor jeeda in shirka lagu qabto magaalada cadaado.
Dhuusa Marreeb wey u bannaan tahay in ay raadsato marti gelinta shirkweynaha lagu dhisayo Dowlad Goboleedka Gobollada Dhexe, weyna u qalantaa sida aan ku soo arkay.
Laakiin Cadaado tegi meyno ama dooni meyno, ma ahan marin. Waxayna abuuri kartaa cuqdad soo kala dhex gasha ama ku dhex kobocda dadweynaha labada magaalo ee deriska ah.Banaanbaxa ayaa ku soo aaday iyadoo maantay la filayo in uu gaaro dhuusamareeb madaxweynaha soomaliya xasan sheekh maxamuud.

warar sugan kala soco

runtanews.net

nagala soo xariir

ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET