DHEGEEYSO GABAY DUCO AH OO LOO TIRIYAY JEN DHEGABADA

27.11.2015 19:44

 

gabay duco ah oo loogu baroor diiqayo alaha u naxariistee

Jeneral  dhegabadan waxaa tiriyay gabaygaas abwan jamaal aadan.

 

Anoo Gabay Dhibtiisiyo iska dhaafay tirintii

Maantaan dharaarow dhacantii ka qaadaye

dhabaalkiyo warkeeyskow dhoofi oo ka sheekee

dhinacyada aduunkiyo soomaliya dhex geeyoo

dhab u sheeg tix deeydaan.

taariiqda dhaa dheer dhaxalkii cabdikariin

uga tegay dhulkiisa ma dhameeyn karaayee

dhoowr midh  aan ka taabtee

dhulka hooyo geesiga dhiigiisii u huroow

dhuuni qaate iib saday halkii aan ku dhalaniyo

dheemanta iyo ciidii dharaarqura nin kii xamar

shabaab kaga dhaqaajiyay geeridu dhab weeyoo

ilaah beey dhankii tahay xabaal loo dhaqaaqiye

dhegabadan halyeeygaani xuska loo dhigaayaan dhab iniiga sheegiye

magaalooyin dhawruu dhurwaagiyo dad qalatada

dharaar kaga xoreeyoku dhaanteeyay nolol wacan

dhagar qabuhu goor tuu soo galay hudheelkii

dhufees muusan gelinoo kama dhuuman cadawgee

dhalaankiyo haweenkuu isaga dhigay rasaastii

maah maahyo dhumuc weyn horay  loo dhahaa tiri

geesiga dhib iyo dhaawac qaranka gaaraba dhimashuu ka doortaa

xil dharaarcan muu hayn hayeeshee waxaa dhibay dhulkii uu ku noolaa

inuu dhaxal wareegoo dhaafshay naftiisii

sedaxdaa dharaaraha dhiilada colaadaha

la dhex dhigay dad keeygiyo dhalin yaro la duuf saday

dhibtii ay sameeyeen dhegabdan halyeygaa wedka looga dhigay

dhanka kalana taariiq aan soo dhigo hortiinee

dhulkii madaxda joogtaay taalo aad u dheeroo ahmed gureey dhan kiisiyo

seyidka u dhaxeeysa waa in loo dhisaayoo

kuwa dhalini doonaa dhegabadan xasuustaan

dhex wixii dadka u iyo lacagteena dheef badan magaciisa lagu dhigaa

maansadii dhegeeystoow dhiiga qalinka lagu qoray

duco dhumucda geedaha dherer la egna buuraha

ilaahey dhankiisaan sacabka u dhigeeynaa

idinkuna dhamaantiin aaminta ii dhaha

alahayoow adaan dhiman dheef siiya aad miga

bada dhumucda weyniyo dhisay gebi aduunyada

alahaw adoondhaba naxariis dhankaaga ah

dhegabadan aloow sii dhinacyada fardoowsaad

dhuumihii ka soo baxay dhegabadan aloow sii

dhabankiisa eebow jahanaba ka dheeree

 

AAMIIN ALOOW AAMIN ALOOW

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET